Posts

Boqoradda Aboorka

Image
  Boqortooyada xayawaanka Dhediga taariikhda ugu dhalmada badani waa Boqorada Aboorka cad ee gala ama quuta Looxaanta, sida Albaabada guryaha geedku marka uu dhaco iyo cawska sadexdii ilbidhiqsiba waxa ay dhashaa hal ukun oo isku celcelis ahaan noqonaya 30,000 oo ukun maalintiiba oo sannadkiina isku celcelis ahaan noqonaya 10,950,000 oo ukun ah.     Boqorada cimrigeedu wax uu gaadhaa 25 ila 50 sanno Inta ay ku jirto cimrigeedaas inta ugu yar waxa ay soo saartaa in ka badan 270 Milyan oo Ukun ah. Boqorada aboorka ayaa waxa ay ku noolaataa nolol dheer iyada oo wax soo saarkeeda ukunta ee ugu sarreeya uu socdo ilaa 10 sanno waana inta ay ku suggantahay da'da yar    "Dhalinyarada" Haddii ay dhimato Boqoradu rugta ay ku suggantahay ayaa u heelan laba arin midkood  Haddii    ay boqoraddu lahayd aboor shaqaale u ahaa isaga ayaa shakhsiyan jidhkeeda ama maydkeeda ka saara oo usaara meel ka baxsan buulka. Laakiin, haddii aanay lahayn aboor shaqaale ah oo a...

CILMIGA XIDDIGAHA (QAYBTII 3AAD)

Qaybteennii tan ka horaysay waxaan ku soo aragnay afartii Mudug iyo lix iyo tobanka min ee faalka la shaqeeya ama faaliyuhu adeegsado. Imikana waxaan u gudagalaynaa siddeed iyo labaatanka god (mansil) ee dayaxu u hoydo. Labaatanka iyo siddeedda god ee dayuhu u hoydo waxa u horreya MIICAAD (Xamal Wal Mariikh) oo ka kooban saddex xiddig, waana buruudka koobaad oo ah NAARI. Saddexda miicaadood waxay kala yihiin : - DHAWAAQDHAWR : waa miicaadda kowaad, waana xiddig daba qalloocda oo tu yar oo kale ay ku maran tahay. Ninka dhasha wuxuu noqdaa nin iskii u tashada, aan hadal badnayn oo hadalkiisuna uu murti u badan yahay, aan se ballan buuxin. Carooskiisa loo ma ciyaaro, waayo xiddigu waa Dhawaaq-dhawr. Xiddigani wuxuu joogaa shanta ilaa toddoba iyo tobankeeda bisha afraad ee sanadka miilaadiga (5/04 ilaa17/04). - GODIN : waa miicaadda labaad, waana xiddig yar oo godan. Habeenka xiddigga labaad ee miicaaddu uu dayaxa la soo baxo ee bishu kow tahay qofka dhasha waxa lagu yaqaan in uu noqdo qof...

CILMIGA XIDDIGAHA (Qaybtii 2AAD)

Sidaan ku sheegay cadadkeennii 1aad, waxaan horta ba soo qaadani labo qaybood oo ka mid ah cilmiga xiddigaha, waa burjiga iyo siddeed iyo labaatanka (28) mansil ee dayaxa. Burjigu waa maxay ? Muxuu taraa ? Burji waxa odayadeennu ay ku macneeyaan in uu yahay meesha ay bishu ku dhalato. Burji waa meel mug weyn oo samada ku taalla oo dayaxu ku hakado, waana hog ka mid ah siddeed iyo labaatanka meelood ee dayaxu u hoydo. Saddexdii bilood ama labadii bilood ba mar buu u hoydaa. Meeraha dayaxu marka uu u hoydo meeshaas, dhulka iyo ciddii laga abuuray ba wuxuu ku reebaa raad dhaqan, raadkaas ayaa ku abuurma qofka bishaa dhasha oo sidaa ayuu xidhiidh weyni uga dhexeeyaa. Dabeecadda dhulka uu ku dhaliyo ama uu ku raadeeyo iyo sheyga dhulka ka soo bilqama ee aadamuhu ka mid yahay baa meeshaa ka soo unkama. Marka ay sidaasi dhacdo ayuu yeeshaa dabci gooni ah oo leh midab laga falkiyo. Bal aan ku sharraxo shaxda hoos ku xusan magacyada labo iyo tobanka (12) burji iyo sida ay u kala baxaan. Buruujt...

Cabitaanno Ay Fiican Tahay In Aad Subaxdii Marka Aad Hurdada Ka Kacdo Maalintaada Ku Bilowdo

Image
Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican ee ay wanaagsan tahay in ay subaxda hore maalintooda ku bilaabaan, si ay uga badbaadaa dhibaatooyinka dheefshiid ama dhibaato kale oo caafimaad. Waa arrin ay muhiim tahay in qof kastaa uu is weydiiyo, maadaama oo ay marar badan dhacdo in cabbitaanno iyo cuntooyin ay naftu jeceshay ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in ay caafimaadka u daran yihiin. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera ayaa ka jawaabaysa su’aalahaas, waxaanay soo bandhigaysaa saddex cabbitaan oo ay caafimaad ahaan fiican tahay in qofku uu cabbo saacadaha hore ee subaxdii marka uu hurdada ka soo kaco kaddib. Biyaha Waxa ay xeeldheereyaashu isku waafaqeen in biyaha oo subaxda hore la cabbo inta aan wax kale la cabbin ama la cunin ay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican caafimaadka jidhka. Xeeldheereyaasha nafaqada jidhku waxa ay tilmaameen in waxa uu jidhku ugu baahi badan yahay hurdada kaddib uu yahay in uu...

CILMIGA XIDIGAHA ( Q.1AAD)

 CILMIGA XIDDIGAHA (Qaybtii 1AAD)  Maqaalkan waxaan  ku xusayaa qayb tilmaam ah oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida : waa cilmiga xiddigaha iyo meereyaashooda. Inta aan u gudagalinna, horta waxaan boodhka ka rogi taariikhda cilmigan.  Ufiirsashada  iyo darsidda xiddigaha cirka waa arrin soo jireen ah oo dhaqan raagay ah. Taa oo ay ku kaceen ummadihii hore oo muddo dheer ku soo hawlanaa, sida dadka reer Ciraaq, Shiinaha iyo Masaaridii hore ee Faraaciinta ahayd. Wixii ishu qabato sida cadceedda, dayaxa,   meerayaasha iyo wixii xiddigo ah ee ay arki karayeenba aad bay ugu    fiirsadeen isla markaana ugu kuurgaleen, haddii ay tahay shintiris iyo haddii  ay si kale u eegaanba, sida kolba meesha cadceeddu joogto iyo meesha ay ka dhacdo.  Cilmigaas xiddigaha aduunku aad buu u yaqaanaa wuuna adeegsadaa, gaal iyo islaamba. Haddaba dhaqanka Soomaalida   xiddigintu halkay kaga jirtaa ?  Soomaalidii hore xiddigintu waxay u ahayd halbowlaha no...