CILMIGA XIDDIGAHA (Qaybtii 2AAD)
Sidaan ku sheegay cadadkeennii 1aad, waxaan horta ba soo qaadani labo qaybood oo ka mid ah cilmiga xiddigaha, waa burjiga iyo siddeed iyo labaatanka (28) mansil ee dayaxa. Burjigu waa maxay ? Muxuu taraa ?
Burji waxa odayadeennu ay ku macneeyaan in uu yahay meesha ay bishu ku dhalato. Burji waa meel mug weyn oo samada ku taalla oo dayaxu ku hakado, waana hog ka mid ah siddeed iyo labaatanka meelood ee dayaxu u hoydo. Saddexdii bilood ama labadii bilood ba mar buu u hoydaa. Meeraha dayaxu marka uu u hoydo meeshaas, dhulka iyo ciddii laga abuuray ba wuxuu ku reebaa raad dhaqan, raadkaas ayaa ku abuurma qofka bishaa dhasha oo sidaa ayuu xidhiidh weyni uga dhexeeyaa. Dabeecadda dhulka uu ku dhaliyo ama uu ku raadeeyo iyo sheyga dhulka ka soo bilqama ee aadamuhu ka mid yahay baa meeshaa ka soo unkama. Marka ay sidaasi dhacdo ayuu yeeshaa dabci gooni ah oo leh midab laga falkiyo.
Bal aan ku sharraxo shaxda hoos ku xusan magacyada labo iyo tobanka (12) burji iyo sida ay u kala baxaan. Buruujtu waxay ka bilaabmaan afar mudug oo midkiiba saddex ka fircanto.
MAGACA (MUDUGGA) TIRSIGA
1. MIICAAD (NAARI) 5/04/ ilaa 17/04
2. LISTAN. (NAARI) 1/05/ ilaa 13/05
3. IDAHA (NAARI) 14/05/ ilaa 26/05
4. LAMAR (ARLIYA) 27/05/ ilaa 8/06
5. AGAALLI WARAN (ARLIYA) 9/ 06/ ilaa 21/06
6. AGAALLI CAANOOD (ARLIYA) 22/ 06/ ilaa 4/07
7. AFAGAAL (HAWAA’I) 5/07/ ilaa 17/07
8. NAAF CADDE (HAWAA’I) 18/07/ ilaa 30/07
9. NAAF WEYNE (HAWAA’I) 31/07/ ilaa 13/08
10. KODXIN TAREED (MAA’I) 14/08/ ilaa 8/09
11. KODXIN GACALLO (MAA’I) 27/08/ ilaa 8/09
12. KODXIN TUURAY (MAA’I) 9/09/ ilaa 21/09
Sidaad ku arkaysaan shaxdan, buruujtu waa laba iyo toban qaybood oo ka mid ah siddeed iyo labaatanka mansil. Macne koobanna waan ka bixiyay laba iyo tobanka burji, kuwaas oo aan ku dhex xusay manaasisha ama gododka ay yihiin. Waxa soo hadhay lix iyo toban kale oo isla markaana ah lix iyo tobanka min ee faalka la shaqeeya ama faaliyuhu adeegsado, waxay na u kala baxaan sida ku cad shaxdan :
XIDDIGGA MUDUGGA
1. Dabaqalooc
2. Dirir galaal (Naari)
1. Dirir garbood
2. Dirir bayaxawr (Arliya)
1. Dirir dudbin
2. Daalallo cas (Hawaa’i)
1. Mareeg-dheer
2. Daalalo hadhweyn (Maa’i)
1. Madhan daalalo
2. Faruur cirri (Naari)
1. Kabaal
2. Jadfoorara (Arliya)
1. Jadcuur
2. Dabaqalooc (Hawaa’i)
1. Duugato
2. Xuud wal Mushtar (Maa’i)
Sida ay iskugu xig xigaan uma aan soo gudbin, waxaanse u soo tebiyay sidii ay u ahaayeen iskugu mudug. Intaana waxa ku dhan lix iyo tobankii min, isla markaana waa afartii mudug iyo dhextaalladoodii oo isku ah siddeeda beynagarje.
(La soco qaybaha dambe... )
Ibaraahim Axmad Cali
(Xeer-Ciise ama Suufi)
Comments
Post a Comment