CILMIGA XIDDIGAHA (QAYBTII 3AAD)

Qaybteennii tan ka horaysay waxaan ku soo aragnay afartii Mudug iyo lix iyo tobanka min ee faalka la shaqeeya ama faaliyuhu adeegsado. Imikana waxaan u gudagalaynaa siddeed iyo labaatanka god (mansil) ee dayaxu u hoydo.


Labaatanka iyo siddeedda god ee dayuhu u hoydo waxa u horreya MIICAAD (Xamal Wal Mariikh) oo ka kooban saddex xiddig, waana buruudka koobaad oo ah NAARI. Saddexda miicaadood waxay kala yihiin :


- DHAWAAQDHAWR : waa miicaadda kowaad, waana xiddig daba qalloocda oo tu yar oo kale ay ku maran tahay. Ninka dhasha wuxuu noqdaa nin iskii u tashada, aan hadal badnayn oo hadalkiisuna uu murti u badan yahay, aan se ballan buuxin. Carooskiisa loo ma ciyaaro, waayo xiddigu waa Dhawaaq-dhawr. Xiddigani wuxuu joogaa shanta ilaa toddoba iyo tobankeeda bisha afraad ee sanadka miilaadiga (5/04 ilaa17/04).


- GODIN : waa miicaadda labaad, waana xiddig yar oo godan. Habeenka xiddigga labaad ee miicaaddu uu dayaxa la soo baxo ee bishu kow tahay qofka dhasha waxa lagu yaqaan in uu noqdo qof weyd ah oo godan. Wuxuu xiddiggaasi joogaa siddeed iyo tobanka ilaa soddonka bisha afraad ee taariikhda miilaadiga (18/04 ilaa 30/04).


- LISTAN : waa miicaadda saddexaad, waana xiddig aad loo ba’asaysto. Rag iyo dumar qofka dhashaayi, waxa la yidhaa, galmoodka ayuu ku falanyahay oo ma seexan karo galmood la'aan. Xiddigaasi wuxuu joogaa kowda ilaa saddex iyo tobanka bisha shanaad ee miilaadiga (1/05 ilaa 13/05).


Saddexdaas xiddig ee aan soo sheegnay waxay ka tirsan yihiin mudugga “NAARI”, waxana u qaybsamaan dabka cadceedda ku lifaaqan, ka geedaha iyo ka dhagaxda. Midka ugu naqan waa ka ku lifaaqan dhuxusha. Saddexda miicaadood waxa ku xiga toddoba xiddig oo la yidhaa “Habar Naaf” (Ururka, idaha, laxaha), waana buruudka labaad oo ah “NAARI”. Toddobada “Habar Naaf” waxay u kala baxaan :


- IDHAHA : Xiddigga u horreeya ee Habar Naaf waa lix xiddigood oo dhexdooda ay ku urursan yihiin xiddigo badan oo ay adagtahay sida loo arko. Waxa kale oo loo yaqaan Galgaali. Qofka dhashaayi ma-dhalays buu noqdaa, isla markaana boqor (hoggaamiye) buu noqdaa. Ururkaa (xiddigahaas) waxa la arkaa 14/05 ilaa 26/05. 


baruudka saddexdaa waa burji NAARI AH. 


- LAXMAR : waa xiddigga labaad ee Habar Naaf, waana xiddigga ku xiga ururka Idaha. Bisha xagaagu bilaabmo haddii ay Laxmar dhalato waa la gubtaa. Waxa jira shey la yidhaa Laxmar-ka-baydh, waakii oday hore yidhi “Abiidaa Laxmar-ka-baydh aloolka sokadiisa la is dhigi jirey, adhigana gubalkiisa (gubal waa harig) qota lala tegi jiray”. Qofka dhashaa wuxuu noqdaa qof geesiya oo run sheeg ah oo markuu hadlo hadalkiisa lagu farxo, xooluhu way u bataan, gacantiisuna way furantahay. Xiddigu wuxuu si wacan u joogaa. 27/05 ilaa 8/06. LAXMAR waa burjiga kowaad ee “ARLIYA”.


- AGAALLI-WARAN : waa xiddigga saddexaad ee Habar Naaf, waana labo xiddig oo is daba yaalla oo sida waranka u eg. Qofka dhashaa waa qof nasiib badan oo Alle deeq siiyay. Haddii uu labyahay nin dhabar ah oo dadka hor socda buu noqdaa. Waranka ma qaato, aqalkiisana lala ma soo galo waran. Qofka dhiddig ee habeenka xiddiggani soo baxo dhasha, gabadh marwo ah bay noqotaa. Xiddigu wuxuu soo baxaa 9/06 ilaa 21/06. Agaalli-waran waa burjiga labaad ee “ARLIYA”.


- AGAALLI CAANOOD : waa xiddigga saddexaad ee Habar Naaf, waana labo xiddigood oo cadcad oo kuwa la ammaano ka mid ah. Qofka dhasha naaska hooyadii laguma anqariyo ee caano xoolaad baa lagu anqariyaa. Xilliga xiddiggu soo baxo waa marka sumalka edegga laga soo saaro. Caadooyin badan baa xiddigan loo adeegsadaa. Waakii oday hore lahaa : “billoo ugubkuba Afagaalliyo Agaalli orgoo oo Isniin curay”. Wuxuu soo baxaa taariikhda miilaadigu markay 22/06 ilaa 4/07.


Agaali caanood waa burjiga saddexaad ee “ARLIYA”, saddexda burji ee arliyana waxay u qaybsamaan carrada cad, carrada madow iyo carrada cas ee badda.


- AFAGAAL : waa xiddiga afraad ee Habar Naaf, waana afar xiddigood oo iska soo horjeeda. Odaygii gabadhiisa wax u sheegaayay waakii yidhi “Aabbo reerkeena ha iman ururka soo dhiciisa, Afagaal oo cadceedda ku libidhoo laga arkiwaayo na reerkeena ha iman, ey qoorcad uun baa loogu yimaadaaye !!!” Ninka dhashaa karaamad buu leeyahay oo reerkiisu reer lama dego. Afagaal waa burjiga kowaad ee “HAWAA’I”, wuxuuna muuqdaa 5/07 ilaa 17/07.


- NAAF CADDE (Canbaar Siigaale) : waa xiddigga shanaad ee Habar Naaf , waxaana laga arkaa meel la moodo in ay siigo ka kacayso oo samada ka mid ah. Xiddiggan lama ammaanin, lama na caayin. Ninka dhashaa wuxuu noqdaa qof aan timo lahayn isla markaana naftiisa uun u nool. Waxa la arkaa 18/07 ilaa 30/07. Naaf Cadde waa burjiga labaad ee “HAWAA’I”.


- NAAF WEYNE (MADOOBE ) : xiddiga lixaad ee Habar Naaf, meel bu' madow ah oo samada ku taalla ayaa laga arkaa. Wiilka dhasha, haddii yixda laga xiiro habeenkaa wuxuu noqdaa ninka la yidhaa «kelidii haanle» oo reerkiisa lagu urursanaado. Wuxuu noqdaa nin bulshadu hareera fadhido, bahdiisuse way faqiirtaa. Waxa la arkaa 31/07 ilaa 13/08, isla markaana waa dhibic nawris oo bishan baa nawriska la qoraa. Naaf madoobe waa burjiga saddexaad ee HAWAA’IGA. 


Saddexda burji ee HAWAA’IGU waxay u kala baxaan dabaysha naacawda badda, dabaysha duugtada ah iyo dabaasha hanfiga ah. 


Intaa waxa ku dhan saddexdii miicaadood iyo toddobadii Habar Naaf waa toban xiddig oo siddeed iyo labaatankii ka mid ah iyo sagaal burji oo ka mid ah labo iyo tobanka burji.


Toddobada Habarnaaf waxa ku xiga afarta Kodxin oo kala ah :


- KODXIN TAREED (Tarka cad ama Mareegdheer) : xiddigga kowaad kodximuhu waxay ka kooban yihiin toddoba xiddig oo ay midi u madax weyntahay. Waxa laga arkaa samada badhtankeeda oo u badan Waqooyi Bari. Qofka dhasha waxa la yidhaa «Kun la joog kun la jiif», taa oo ka dhigan ninka dhashaa butto (koox) uun buu la kacaa, maalintuu geeriyoodana xigtadiisu way hoobataa. Tarka cad Jilboole, oo ka mid toddobada cirjiidh, sanadka uu la socdo waxa la yidhaa “Cayntii la gal” oo ka dhigan col iyo abaarba uu helaa. Ninka dhashaa wax ba'an laga ma sheegin oo wuxuu noqdaa qof aan wehel waayin, gabadha dhalataana way ayaan badan tahay. Waxa la arkaa inta u dhexaysa 14/08 ilaa 26/08. Kodxin Tareed waa burjiga kowaad ee “MAA’I”.


- KODXIN GACALO (Kodxin cawo) : waa kodxinta labaad oo waa xiddigo isku toosay oo yaryar. Ninka dhashaa wuxuu noqdaa qof dadku jecelyahay oo ay ku soo ururaan, reer barakaysanna Ilaahay wuu siiyaa. Waxa la arkaa inta u dhexaysa 27/08 ilaa 8/09. Kodxin Gacalo waa burjiga labaad ee “MAA’I”.


- KODXIN TUURAY (9/09 ilaa 21/09) : waa kodxinta saddexaad, ninka dhashaana wuxuu noqdaa nin habaarkiisu kaco, lama na ammaano oo ceeb bay odayadu ku sheegaan.. Kodxin Tuuray waa burjiga saddexaad ee “MAA’I”. 


Saddexdan burji ee aan kor ku soo sheegay waxay u qaybsamaan : biyaha roobka, biyaha badda iyo biyaha webiyada waaweyn.


- KODXIN DABAQALLOOC (22/09 ilaa 4/10) : waa kodxinta afraad  oo waa xiddig qallooca sida usha bakooradda. ninka dhashaa wxuu noqdaa qof qalloocan oo aan dadka aqbalin.


Kodximaha waxa ku xiga afarta DIRIR oo ah afar xiddig oo laga arko badhtamaha samada oo Koonfur u badan. Xiddigahaas dhammaantood halkay ka soo baxaan tooskeeda uun bay ka dhacaan. Afarta DIRIR waxay kala yihiin :


- DIRIR GALAAL (5/10 ilaa 17/10) : waa dirirka kowaad oo waa xiddig weyn oo keli ah, aadna u cad. Wiilka dhashaa wuxuu noqdaa nin bidaar leh, ragannimana uu yeeshaa 


- DIRIR GARBOOD (18/10 ilaa 30/10) : waa dirirka labaad oo waa afar xiddigood oo saddex isku toosantahay, midna ta u horraysa in ay ag taallo la moodo. Qofka dhashaa dhogor badan buu garbaha iyo dhegaha ku yeeshaa, haddii ayna dhaxal ahayn, xoolaha iyo dadkana wuu daweeyaa..


- DIRIR BAYAXAWR (31/10 ilaa 12/11) : waa dirirka saddexaad oo waa xiddig aad u cad. Qofka dhashaa wuxuu noqdaa mid uuna subaggu u fiicnayn, aanan arrad beeline, aanan cagaag beeline oo haddana xoolo badan leh.


- DIRIR GUDBAN (13/11 ilaa 25/11) : waa dirirka afaraad, waana labo xiddigood oo gudban, kuwa kale na ku soo daadsan yihiin. Qofka dhashaa wuxuu noqdaa qof kelisocod ah (“Is-caddeeye” ayaa la yidhaa) oo meelahaa uun caasha taagaa. Murtise waa xiddig wanaagsan. Hase yeeshee haddii Dirirka burji xun uu fuulo waa ay ba’an tahay.


Afarta DIRIR waxa ka dambeeya DAALALLO oo ah Afar xiddigood oo Koonfur u xiga. Xilliga cadceeddu u qabowdahay bay soo baxaan waana xiddigo “ARLIYA” ah. Marka ay xiddigahaasi joogaan waxaa la jecelyahay in ubadku dhasho, waxayna kala yihiin :


- DAALALLO CAS (26/11 ilaa 8/12) : waa daalallada kowaad, waana xiddig keliya oo guduudan ama cas sida Mariikha Dhiigle oo kale. Xiddigiyuhu wuxuu yidhaah «Ilaahow dad ii dhali Daalallo-cas». Qofka dhashaa wuxuu noqdaa mid Ilaahay maaliyad ugu deeqay, caloolxumo ayuu se leeyahay. Waakii oday hore yidhi : “Hadduu Dirirkii dabayl weyn dhalay, deeq Ilaah iyo Daalallo ha sugo”.


- DAALALLO MAREEG-DHEER (Daalallo-xoorray) : waa daalallada labaad, waana labo xiddigood oo la moodo in ay xagga sare u yara weyn yihiin. Wiilka dhashaa wuxuu noqdaa riyoole. “Daalallo-xoorray hadduu cirku da'o, diraac bay sirtay” baa la yidhaa. Gabadha dhalati mareeg ma xidhdho. Waa xiddig tijaar ah oo la arko inta u dhaxaysa 9/12 ilaa 21/12.


- DAALALO HADHWEYN (22/12 ilaa3/01) : waa daalallada saddexaad, waana xiddig keliya oo la moodo in ay ceeryaan saaran tahay. Wiilka dhasha wuxuu noqdaa nin habaarkiisu kaco. Habeenka xiddiggani joogo, odayadu waxay ku tilmaamaan mid cawo iyo ayaan leh. Dadka dhexdhaxaadka ah ee raggannimo weyn aanan lahayn, doqonniimo badhaxtiran na aanan lahayn baa dhasha.


- MADHAN-DAALALLO (4/01 ilaa16/01) : waa daalallada afaraad, waana xiddig keliya oo yar. Madhan-Daalallo qofka dhasha wax buu leeyahay, hadduu sheegana uma fiicno.


Afarta Daalallo waxa ku xiga CIRIR oo ah lix xiddig oo Waqooyi laga arko oo aad u qabow. Odaygii xiddigiye waakii yidhi :


“Carshigaa koraa laga dhintaye, calaf la'aaney dhac

Cadcadkii ilma adeerraday, Cirir miyaa laayay !”


- FARUUR CIRIR (17/01 ilaa 29/01) : waa cirirka kowaad, waana labo xiddigood oo yaryar oo isgarab ah oo ay ku nabantahay xiddig yar oo kale oo la moodo in ay dhan u yara foorarto. Xiddigtaa yar baa la yidhaa “Waa taa faruurta haysa”. Qofka dhasha wuxuu noqdaa mid foorar badan oo farsamayaqaan ah, talo kale se ma leh.


- KABAALLO (30/01 ilaa 11/02) : waa cirirka labaad, waana afar xiddigood oo sida kabaallada awrka eg. Wiilka dhasha wuxuu noqdaa baa la yidhaa mid aan tag u lahayn awrta, geelu se wuu u bataa.. Gabadha dhalata awr kuma guurto oo u ma joogsado.


- JADFOORARA (Barbaar, Mijin-cirir, Duugato) : waa cirirka saddexaad, waana xiddig yar. Dabayl cas oo dhulka duugta, xaadhufkana xoolaha ka qaadda ayay leedahay. Qofka dhasha wuxuu noqdaa mid cilmiga dhalaaliya oo qoraalka ku fiican. Gabadha dhalata waxay dhashaa wiilal badan oo “God-wiilalley” baa la yidhaa. Xiddiggaa waxa la arkaa inta u dhexaysa 12/02 ilaa 24/02.


- JADCUUR (25/02ilaa 9/03) : waa cirirka afaraad, waana afar xiddigood oo urursan. Wiilka dhasha wuxuu noqdaa nin dabeecad fiican leh oo inta badan wuxuu noqdaa nin awliyo ah, geeluna kama caano gabo oo geel cuur ah buu yeeshaa.


- JAD DHUQLEY (Dhiriq) : waa cirirka shanaad, waana xiddig yar. wiilka dhasha wuxuu noqdaa baa la yidhaa qof fiican, gabadha dhalataana caano lo'aad uun bay lushaa. Waxa la arkaa inta u dhexaysa 10/03 ilaa 22/03.


- DUUGATO (23/03 ilaa 4/04) : waa cirirka lixaad, waa xiddig keliya. Qofka dhasha, rag iyo dumarba, waxa la yidhaa “gogolduub buu dhashay”. Waa qofka guursada saddex jeer ee saddexduba ka dhintaan. Waxa la arki karaa in uu ka afaraad ku dego.


Intaas ayay ku dhanyihiin labo iyo tobankii burji iyo siddeed iyo labaatankii mansil ee dayuxu. Haddii qof laga arko xiddiguu dhashay wax ka duwan oo xiddigiisa iyo isagu is buriyaan, taa odayadu waxay ku macneeyaan in saddex arrimood mid uun ay xiddigaa muquurtay, saddexdaana waa : 


1. Deeq Alle : sida qof dhashay xiddig faqiir ah oo Alle ugu deeqay xoolo, ama qof dhashay xiddig cilmiga iyo fahmada ku adag oo Alle siiyay fahmad.

2. Dhaxal : Sida qof la dhashay xiddiga geesiyaasha balse yeeshay coonnimo uu ka hidde raacay aabbihii ama awowgii oo doqon ahaa.

3. Jawiga : Sida qof dhashay mar uu joogay xiddig aad u wanaagsan, hase yeeshee ku nool geyi gaajo ama dhib kale ba ay ku heshay.

Saddexdaa arrimood haddii aanay qaldin, xiddigu waxa lagu sheego wuu rumeeyaa ama inta badan run baa loo arkaa. 


Ibaraahim Axmad Cali (Xeer Ciise ama Suufi)

Email : Ibxeerciise34@gamail.com.

Comments