Posts

Showing posts from June, 2023

CILMIGA XIDIGAHA ( Q.1AAD)

 CILMIGA XIDDIGAHA (Qaybtii 1AAD)  Maqaalkan waxaan  ku xusayaa qayb tilmaam ah oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida : waa cilmiga xiddigaha iyo meereyaashooda. Inta aan u gudagalinna, horta waxaan boodhka ka rogi taariikhda cilmigan.  Ufiirsashada  iyo darsidda xiddigaha cirka waa arrin soo jireen ah oo dhaqan raagay ah. Taa oo ay ku kaceen ummadihii hore oo muddo dheer ku soo hawlanaa, sida dadka reer Ciraaq, Shiinaha iyo Masaaridii hore ee Faraaciinta ahayd. Wixii ishu qabato sida cadceedda, dayaxa,   meerayaasha iyo wixii xiddigo ah ee ay arki karayeenba aad bay ugu    fiirsadeen isla markaana ugu kuurgaleen, haddii ay tahay shintiris iyo haddii  ay si kale u eegaanba, sida kolba meesha cadceeddu joogto iyo meesha ay ka dhacdo.  Cilmigaas xiddigaha aduunku aad buu u yaqaanaa wuuna adeegsadaa, gaal iyo islaamba. Haddaba dhaqanka Soomaalida   xiddigintu halkay kaga jirtaa ?  Soomaalidii hore xiddigintu waxay u ahayd halbowlaha no...