Boqoradda Aboorka

 


Boqortooyada xayawaanka Dhediga taariikhda ugu dhalmada badani waa Boqorada Aboorka cad ee gala ama quuta Looxaanta, sida Albaabada guryaha geedku marka uu dhaco iyo cawska sadexdii ilbidhiqsiba waxa ay dhashaa hal ukun oo isku celcelis ahaan noqonaya 30,000 oo ukun maalintiiba oo sannadkiina isku celcelis ahaan noqonaya 10,950,000 oo ukun ah.  Boqorada cimrigeedu wax uu gaadhaa 25 ila 50 sanno


Inta ay ku jirto cimrigeedaas inta ugu yar waxa ay soo saartaa in ka badan 270 Milyan oo Ukun ah. Boqorada aboorka ayaa waxa ay ku noolaataa nolol dheer iyada oo wax soo saarkeeda ukunta ee ugu sarreeya uu socdo ilaa 10 sanno waana inta ay ku suggantahay da'da yar  "Dhalinyarada"


Haddii ay dhimato Boqoradu rugta ay ku suggantahay ayaa u heelan laba arin midkood 

  1. Haddii  ay boqoraddu lahayd aboor shaqaale u ahaa isaga ayaa shakhsiyan jidhkeeda ama maydkeeda ka saara oo usaara meel ka baxsan buulka.
  2. Laakiin, haddii aanay lahayn aboor shaqaale ah oo ay ahayd mid hadda bilowday in ay ukun ama beed dhigto markaa boqoradda kale ayaa u xilsaaran in ay ka takhalusto jidhka ama maydka Boqorada dhimatay.

Comments