CILMIGA XIDIGAHA ( Q.1AAD)

 CILMIGA XIDDIGAHA (Qaybtii 1AAD) 

Maqaalkan waxaan  ku xusayaa qayb tilmaam ah oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida : waa cilmiga xiddigaha iyo meereyaashooda. Inta aan u gudagalinna, horta waxaan boodhka ka rogi taariikhda cilmigan. 

Ufiirsashada  iyo darsidda xiddigaha cirka waa arrin soo jireen ah oo dhaqan raagay ah. Taa oo ay ku kaceen ummadihii hore oo muddo dheer ku soo hawlanaa, sida dadka reer Ciraaq, Shiinaha iyo Masaaridii hore ee Faraaciinta ahayd. Wixii ishu qabato sida cadceedda, dayaxa,   meerayaasha iyo wixii xiddigo ah ee ay arki karayeenba aad bay ugu    fiirsadeen isla markaana ugu kuurgaleen, haddii ay tahay shintiris iyo haddii  ay si kale u eegaanba, sida kolba meesha cadceeddu joogto iyo meesha ay ka dhacdo. 

Cilmigaas xiddigaha aduunku aad buu u yaqaanaa wuuna adeegsadaa, gaal iyo islaamba. Haddaba dhaqanka Soomaalida   xiddigintu halkay kaga jirtaa ? 

Soomaalidii hore xiddigintu waxay u ahayd halbowlaha noloshooda iyo jiritaanka dadnimadooda. Waxay ahaayeen dadka aduunka ugu horreeya adeegsiga cilmiga xiddigaha intaan la gaadhin ilbaxnimada cirka iyo dhulkaba, waa waayadii hore ee samada aqoonteedu ku  koobnayd wixii ishu qabato. Soomaalidu waxay ka mid ahaayeen dadka aqoonta   fiican u leh arrimaha cirka. Noloshooda oo dhan bay ku maarayn jireen, hadday tahay labo qof oo la isku guurinayo, xoolo sumal lagu darayo, reer meel ka guuraya oo meel kale u min doorsanaya, dagaal iyo nabad, intaba way u adeegsan jireen. Wiilka ama gadhdha dhalata waxaa loo eegi jirey xiddiga, wax kaleba iska daaye, dawada iyo xilliga qofka la dabiibayo baa loo eegaayey. 

Soomaali oo sidaa arrinkeedu yahay bay dabayl qalbi-maal ama dad-maal la yidhaahdo, oo afkaaro dimeed ku salaysan, ka soo kacday waddammo muslimiin ah. Ragga arrintaa u ololaynaayey ama faafinaayey waxay ku tilmaamayeen oo ku dhaleecaynayeen ciddii mabda’ooga mid ka duwan la timaadda in ay yihiin jahal iyo dad ka lumay dariiqii toosnaa, iyagoo aanan hayn nas iyo wax daliil ah oo arrintaa la xidhiidha.     

Arrinka oo sidaa ah, badhtamihii qarnigii hore ee labaatanaad ayaa nin Soomaali ahi ka kacay isaga oo ka dhiidhinaya. Wuxuu dabaqabtay wixii uu qudh ku gaadhay oo buug yar buu ka qoray. Inkaste oo aan anigu weli arkin buuggaas isaga ah, waxase iiga warramay wargaleen buugga arkay oo akhriyay, waa Dr. Cabdalle Cumar Mansuur oo igu yidhi " Intaan ogahay cilmiga xiddiga hortaba Muusa Galaal baa wax ka qoray, Muqdishuuna ku qoray buug yar oo uu odayada Soomaaliyeed ka soo ururiyay". 

Muddo labaatan sano ah dabadeed waxaa Jabuuti ka soo shaacbaxay nin Alle-dire ah oo hawshaa u guntaday, u guuray, u gaajooday, buur iyo  banaanba u maray. Muddo labaatan iyo sagaal sano ah ayuu baadhaayey, wax weyn iyo horumar buu na ka gaadhay. Wuxuu la yimid wax xiddig-eegayaashii isaga ka horreeyay ay na weli sheegin. Nasiibdarro, isaga oo wixiisii si wanaagsan u soo gudbin ayuu ninkii geeriyooday, wax hagaagsanna ka ma hadhin. Waxase keliya oo aan  ku xussi walaalkay Dirir Aadan Faarax giraanta waqtiga ee uu unkay.

Waxa kale oo wax ka qoray xiddiga nin la yidhaa Maxamuud Cusmaan Jawaar oo buug waxbarasho ka qoray, wuxuuna ugu magac daray “Barashada fagaagga sare ee adduunka” (2007, Soomaaliya). Ninkaas waxa ka danbeeyay isagana nin dhallin yar oo xiddiga wax ka soo ururshay, tartanna ku galay. 

Buugga aan ugu magac daray “Aayo-reer - kab dhexeeye” ayaan ku soo qaatay xiddigaha iyo falagga, hase yeeshee guddidii buugga falanqaynaysey baa ku talisay qaybta xiddigaha in laga dhigo buug gooni ah, tiina waa la go'aamiyay. Intaan ogahay Soomaalida wax ka qortay   xiddigahu waa intaa.

Haddaba samanka maanta an joognno dabaylo ayaa ka soo kacay daafaha aduunka, dabaylahaas oo kala ah : gaanna-maal, waxley, qalbi-maal, khad-maal, caana-maal, dhiig-maal, yowlac, Is-nac iyo xuufley.

Dhulkeenna laba dabaylood baa soo wajahday : waa qalbi-maal iyo is-nac, labadaas bay na ka dhashaan xuufley iyo dhiig-maal. Dabayshii qalbi-maal ayaa waddankeenna ku habsatay. Waa marka ninka madaxa ah la caayo, ninka quman la caayo, odayga wax sheegga ah ee dadka kala dhaba la caayo ee xantu badato. Waa xilliga la kala sooci waayo mudane iyo marti, xumo iyo same, cidda wax kamanaysi ama wax eedaynaysi waa marka ay ka liidato cidda ay eedaynayso ee waxba ayna ku dhaamin oo mudacna ay daabi karayn.

Aan u soo noqdo arrintan xiddiginta oo si taxane ah u socon doonta, haddii Alle idmo. Waxaan horta ba soo qaadan labo qaybood oo ka mid ah cilmiga xiddigaha, waa burjiga iyo siddeed iyo labaatanka mansil ee dayaxa. Burjigu waa maxay ? Muxuu taraa ? In kaste oo aan qaybaha danbe ee qoraalkayga ku soo qaadan doono arrimaha ku saabsan burjiga iyo   xiddigaha qaybahooda badan oo  tafaqyatiran, bal halkan aan ku xuso in kooban oo ka mid ah macnaha baruujta. 

(La soco qaybaha dambe... ) 

Ibaraahim Axmad Cali

Comments